Bugcadii xasuusaha
KUBADII CAGTA DEGMADA BALANBALLE WAXA AY U SII QUUSAYSAA, SIDII MARKABKII TITANIC OO KALE.
Tobankii sano ee u danbeysay degmada Balanballe ee waqooyiga Galmudug waxa ay sameynaysay hormar dhinac walba ah, marka laga reebo kubada cagta oo iyadu si xowli ah u sii dabar go'aysay. Sababta aan kubada cagta mawduuc ahaan ugu soo qaadanayaahina, waa in ay kamid ahayd waxyaabihii loogu aqoonsiga badnaa ee ay degmadu ku caanka ahayd. Si aan taa cadeyn ugu helo waxa aan markhaati gashanayaa, cid kasta oo aqoon u leh jiilkii kubaddeed ee ay degmadu tobankaa sano kahor lahayd. Waa qodob.
Siddeed sano ayaa ka soo wareegtay markii ugu danbaysay ee degmada laga ciyaaro tartanka kooxaha heerka koobaad ee degmada, oo ku beegan 2016-kii. Isla sanadkaa wixii ka horeeyay degmadu waxa ay lahayd, xulka iyo naadiyaasha loogu ixtiraamka badnaa tartanadda heer gobol iyo degmo ee deegaanada ku xeeran degmada Balanballe. Tan waxa aan u markhaati gashanayaa in ay degmada ka jireen kooxihii abid soo mara kuwoodii ugu tayada wanaagsanaa, sida Fc Dibir, Fc Nation iyo Fadlullaahi oo da'ahaan ugu yarayd. Qodob labaad.
Jiritaanka sadexddaa awooddood ee isku baacsan jiray noqoshada kooxda ciyaareed ee ugu baarka sareysa degmadu, waxa ay lahayd labo faa'iido oo waa weyn. Kow - Waxa ay joogteyn iyo fursad aalamiito oo weyn u ahayd ciyaar yahan walba oo ka tirsanaa sedexddaa kooxood, taa oo sahlaysay in la helo mucaashaqiin kubaddeed oo ay kala doorashadooddu ku adkeyd macalimiintii kubaddeed ee ay xilligaa degmadu lahayd. Labo - adeegsiga ciyaarahanaddaa kubaddeed iyo joogtaynta tartanadaa ciyaareed, ayay ahayd wixii degmada Balanballe ka dhigay bugcad marka kubadaha laga sheekaynayo ka sheeganeyd gobolka intiisa kale. Taasina waa qodob.
Hadaba maxaa dhacay?
Aragtidaydda sadex musiibo oo waa weyn ayaa ku habsatay taariikhdii kubaddeed ee ay magaaladu lahayd. Tan koobaadi waa in ay 2016-kii soo bilaabatay deeqaha lacageed iyo qalab ciyaareed ee degmada ka soo gaara meel aan dhalinyarada iyada u dhalatay ahayd. Tusaale, haayaddo, maamul gobolleed, fedaraal Iwm. Taninna waxay abuurtay in hoggaaminta dhalinyarada sportska degmada oo horey u ahayd goob jacayl iyo daneyn sports loo qabto ay noqoto meel hunguri, oo raggii markaa joogay ay u arkaan goob ciyaalka laga biilan karo.
Labo - Waxaa meesha ka baxay jiilkii kubaddeed ee aan horay u soo xusay in ay deddaalkoodii kubaddeed sabab u ahayd, taariikhda kubaddeed ee degmada. Ma ahan un in ay kubadda oo kaliya ka fariisteen, ee wax walba in ay ka fariistaan ayaa ay is tuseen malaha, waa sida ay aniga iila muuqatay. Haddii aanay sidaa ahayn ugu yaraan waxa ay ka talo geysan lahaayeen, bur-burkii kubaddeed ee ay arkayeen in ay degmadu ku sii hoobaneyso.
Sadex - Jiilkii kuwaa badalay ee aan aniguba kamid ka ahaa ayaa ah, kuwii ugu liitay uguna ayaanka darnaa ee degmada soo mara dhalinyaro ahaan. Sababta aan sidaa u leeyahay waa un in aanay taariikh kubaddeed iyo mid hoggaamineed toona lahayn. Ma sheegan karaan oo ma'ay jirto taariikh kubaddeed oo laga aqbalayo in ay faan u goyso, sidaa oo kalana waxa ay gabeen xitaa dhiigii ay iskaga diiddi lahaayeen foolxumooyinkii dushooda lagu falayay. Haa, laakiin wali fursad ayaa ay haystaan, ay qaladdaadkooda ku sixi karaan haddii ay doonayaan.
Ugu danbeyn waxa aan ku talinayaa sadexddaan arimood ee aan u arko in ay dhiig joojin u tahay taariikhda kubaddeed iyo jiritaanka sports ee degmada.
~ Sade Cakood Warsame guddoomiyaha sportska degmadu waa nin akhyaar ah dabcana ehel sports ah, laakiin ku fashilmay in uu hoggaamin u qalanta oo aaminaad iyo u adeegidba leh hoggaamiyo dhalinyarada sportska ee degmada Balanballe. Sidaas darteed ma sii aqbali karaan culeys iyo ku tagri fal awooddeed e, isaga oo mustaqbalka faca cusub u turaya in uu masuuliyaddoodda si gobannimo leh ugu fasaxo. Dabcana waan ka filayaa, in uu sidaa sameyn doono.
~ Dhalinyarada waxa aan u soo jeedinayaa in aanay isbadal oo kaliya u baahnayn, ee ay isbadal dhab ah u baahan yihiin. Sidaas darteed uusan arinkoodu noqon KUD KA GUUR OO QANJE U GUUR E, ay si hubanti leh u yaqaannaan sababta ay qof xil uga qaadanayaan, sidaa oo kalana ay mid kale ugu dhiibanayaan.
~ Ugu danbeyn nidaamka cusub ee aan rajeynayo in ay dhalinyarada sportska degmadu yeelato waxa aan ku dar daarmayaa, si taariikhdii kubaddeed ee degmada iyo jiritaankii ciyaaraha loo soo nooleeyo in go'aan adag la qaato. Kaas oo ah in guddi sportska oo raggii hore ah loo saaro, si ay dhalinyarada isku qasid cusub ugu sameeyaan markaana loogu buuxiyo magacyada naadiyaddii waa weynaa ee horay u jiray. Tani waxay meesha ka saareysaa in nidaamka kasta oo la sameysto ha xumaado amaba ha samaado e, aan la waayin dhalinyaro ku ciyaarta magacyada kooxihii hore ee tobankaa sano ee gaabka ah ku dhex qar-qoomay. Mahadsanidiin.
Comments
Post a Comment