Ramadan

 Soodhawaada saaxiibboyaal, waxa aan idinla wadaagayaa dhowr qodob oo aan anigu jadwal ahaan ugu diyaarsaday bisha Ramadaan. Waxa aan rajeynayaa adinkana, in ay wax un idinka anfici doonaan.


Q. 1'aad waa in aan bisha ramadaan 3 jeer qur'aanka dhameeyo, si aan taa u gaarana shanta salaaddood mid kasta oo kamida waxa aan u baahnahay in aan akhriyo kaliya 12 bog.


Q. 2'aad si aan baraarug nafsaddeed oo bishan qiimaha badan ku saabsan naftayda ugu sugo, waxa aan u baahnahay in aan dib u akhriyo soonka iyo axkaamtiisa.


Q. 3'aad waxa aan go'aan xoogan ka qaadanayaa in aan dhafro, si ay iigu hir-galaan dhamaan qorshooyinkaygu.


Q. 4'aad qodobkaan waxa aan ugu tala galay in aan ku yareeyo dhamaamba isticmaalka baraha bulshada, amaba aan iska xiro inta lagu guda jiro bishan barakaysan.


Q. 5'aad laga bilaabo daqiiqaddaa aad qoraalkayga akhrinayso, waxa aan iska cafiyay cid walba oo aan wax un ka tabaniyay.


Q. 6'aad waa in aan ducadda iyo astaqfaarta labadaba badiyaa, in ka badan intii caaddada ii ahayd.


Q. 7'aad waxa aan bixinayaa inta aan awoodo oo sadaqo ah, si uu illaahay iigu danbi dhaafo cimrigaygana u siyaadsho.


Q. 8'aad waxa aan xerow daacad ah ka noqonayaa, kutubta masaajida ii dhow dhow laga akhrinayo, aniga oo u kala dooranaya sida ay iigu kala muhiimsan yihiin.


Q. 9'aad waxa aan isticmaalayaa cunto hagaagsan si aan soonka Bisha Ramadaan u awoodo, gaar ahaan waxa aan ilaallinayaa saxuurtayda.


Q. 10'aad iima qorshaysna in aan seexdo laga bilaabo xilliga aan saxuurta u soo kaco, si aan illaahay rabbitaanaddayda u weydiisto.


Q. 11'aad tobanka danbe waa in aan niyaysto ictikaaf, si uu illaahay iigu hanuuniyo habaynka wayn ee Bisha Ramadaan ku dhex sugnaaday.

Comments

Popular posts from this blog

Suhayra

Bugcadii xasuusaha