Suhayra
Dhagax-buur waa magaalo aad u qurux badan oo koriinshiyo caaqibo lihi uu ka muuqdo, waxa ay caan ku tahay labo buurood oo iyagana NAASO HABLOOD la yiraahdo, kuwaa oo marka dhanka Qabri-dahar laga soo galo si cad safarayda u garab socdaala illaa aad moodo in ay magaalada kugu soo dhawaynayaan. Waxa kale oo aan is iri waa ay kaga tilmaaman tahay dhamaan magaalooyinkii kale ee aan soo arkay, jiingada casaanka ah ee magaalada oo dhan ku daboolan, taa oo aad is leedahay malaha waxaa lagu xusayaa maalinta jacaylka adduunka.
Yeelkaddeed e, meesha noocaa ah ayaa aan abaaro 04:00 galabnimo qado daahday oo aan aad ugu baahi qabnay ka soo cunay. Waxa ay ahayd wakhti aan daal, jajab, baahi iyo dhibaatooyin kale ee uu safarku leeyahay baa bah la ahayn, dabaddeed aan sida aad malayn kartaan socodkeenii iska sii wadanay. Waxa aanan illaabi karin ee ay tahay in aan qoraalkayga ku xuso, waa gabdhihii yar yaraa ee aadka u quruxda iyo dumarnnimada badnaa ee markii aan magaalka ka sii baxaynay gaarigga dhinacyadiisa taagnaa iyaga oo leh "Waa caano geel oo dhay ah" kuwaa oo aanaa dhag jalaq u siin, ee aan dhawaqa leebarka baabuurka kaga dhuumanay illaa aan ka libidhnay.
Dabcan sidii wakhtiga u caadadda ahayd ayaa uu isku guray, inaguna aan hawsha socdaalkeena iskaga mashquulinaynay sheekooyin macno leh iyo kuwo aan macno lahayn labadaba. Waxa aan saaranahay BAS aad u kala jiidan, illaa uu kugu soo dhacayo kuwii dugsiyada waa wayni ay u isticmaali jireen in ay macaamiishooda ardadda ah guryahooda ku geeyaan. Waa gaari mug ahaan dhowr iyo sodon qof qaada amaba ka badan, waxa uu u shaqeeyaa shirkada safarada ee XIIN FANIIN. Waa shirkad safar oo ka shaqaysa Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Ma rabbo in aan shirkada ku dheeraado, kaliya waxa aan uga gaabsanayaa "In aanay ahayn qolo macaamiishooda u dabacsan" marka loo eego xilliga ay hotelada Wardheer ku soo gar garaacayaan, goorta uu gaariggu dhab ahaan soo dhaqaaqayo iyo sida aanay masuuliyad iskaga saarayn rakaabkooda haddii ay sabab u noqdaan iyagu in uu xilli danbe soo galo caasumada Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjigga.
Aan dib inoogu celiyo socdaalkeenii e, gaariga oo aad moodo afarta kursi oo hore in ay af-dulaaqan yihiin sida uu iskugu dhex yaacsan yahay, kan bidix ee u geeseeya waxaa fadhiya darawalka gaariga. Waa nin oday ah, degan, xoogle oo tilmaan ahaan calool buuran, midab furan iyo bidaar garoon ah leh. Dhanka kale oo isla afarta kursi oo hore ah waxaa fadhiya qof dumar ah oo mar ama labo curad ah haddiiba aanay deeqsiyad ahayn. Aamusnaanteeda badan, labadeedda indhood ee waa weyn, midabkeeda cas iyo xijaabka ay ku daboolan tahay wax aan ahayn lagama sheegi karo.
Dhexdoodda waxaa fadhiya mid OROMO ah oo si weyn u qayilaya iyo gabar kamid ah labo gabdhood oo in ay isla socdeen aad ku garan karto sida ay baatiga isu eg u sitaan. Labada gabdhood waa isku da' qiyaastayda, sidaa oo kalana dumar aad u qurux badan ayaa ay ahaayeen. Kaliyase mid kamida labadoodda ayaa kuraasta danbe ee laynka labaad ee gaariga saarnayd, oo sidaa ayaanay sheeko ugu kala maarmaynin. Kursida sadexaad iyagana qolo kale oo ay nin Reer Cabdille ah iyo gabar Carab Saalax ah ugu af-dheeraayeen ayaa uu u kiraysnaa.
Laynka ku xiga kursiga bidix ugu xiga waxaa fadhida Suhayra, waa naag Warsangali reer Ceerigaabo ah. Waa da'aadda 19 jirka malahayga, dibnaha waxaa u marsan libbis casaan ah, midabka ciida iyo indhaha deeradda ah ee wada saaran waxaa ka ashqaraar badan sida ay ugu raaxaysanayso waxa ay rabto in ay kuu sheegto. Aad bay telephone ugu hadlaysaa, wax kamid ah kuwii iigu yaabka badnaa ee aan ka maqlay intii aanaa wax sheeko ah yeelan waxa ay ahaayeen "Hebel waa dhaawac, waxa ayna soo qorayaan, arinkaagu waa noo shidaal walaalkayoow". Ceerigaabo ayaa ay ka hadlaysay dabcan, oo ay arimo cul culusi ka taagnaayeen.
Aniga ayaa Suhayra qof ahaan ku xiga, kaliyase xigaal un maahee si kasta oo aan illaahay uga baqo xitaa waa qasab in aanu mararka qaar sida cunug iyo hooyadii laabta iskaga galayno. Sababtu waa gaariga aan saaranahay, oo gabadha isku kaaya dhamaynaya ee ma ahan un kaliya in aan jeclaan lahaa in ay sidaasi dhacdo. Kkkkk! Bowdyaha-yagga ayaa sidii ilkihii isku xoqaya, inaguna waxa aan jeclaan lahayn in aan sidaan si dhaanta aan nasiib u yeelano. Yaakaddeed e, dushayda waxaa saaran oo laabtayda uu madaxeedu ku aadan yahay Cimraan Cabdi Guuna-guune oo ah inan yar oo aan abti u ahay taa oo aan Jigjigga dhakhtar ugu wado.
Suhayra iyo aniga ayaa inta badan sheekaysaneynay, mawduuc kaliya nooma uu furnayn ee toban mawduuc ayaa aan iska waraysanaynay intii aan wada sheekaysanaynay oo dhan, waxa aan soo gaarnay deegaan yar oo ARAARSIYO la yiraahdo haddii aanan magaca qaldeyn. Markaa goor xilli danbe ah oo uu gabalkii sii dhacayay ayaa ay ahayd, waxyar kadibna cirka daruur iyo roob nagu soo food leh ayaa dhinac walba isku guntay. Intaa kadib waxa qura ee aan ku cadayn karnay in aanu habaynsanay waxa ay ahayd garashadeena.
Qiyaastayda 2 illaa 3 KM ayaa aan ka soo soconay Araarsiyo markii aan dareenay in gaariga uu dhamaantii qiiq ka sareeyo, waxa uu ahaa taayar aan sida-nada oo kale u dabeecad badnayn, maadaama aan inagu wali saaranahay gaarigii aan xalay 03:00 habaynnimo in aan raacno naloo soo soo kiciyay ee 06:00 subaxnnimo soo dhaqaaqay. In uu gubto oo daawaha iyo ramalka uu dabi isku baxo dabaddeedna uu halmar gaariga iska tuuro ayaa uu aad u jeclaysanayay. Go'aan ayaa uu qaatay, oo uu durba dab is qabad siiyay. Sidaa darteed ayaa uu qiiqu samada isku shareerray, koleyba in aanaa waxba ku noqon ayaa qornayd oo markiiba qaylo ayaa isku baxday gudihii gaariga. Dabaddeed dhinac ayaa aan laamiga uga istaagnay, si bal ugu yaraan loo eego waxa gaariga cadaabay.
Darawalkii, kirishboygii gaariga, oramkii, yar kale iyo aniga ayaa si is xig xigta gaariga uga daganay, mise walaahi SADAQO ayaanu ku baxsanay. Oo marka la eego sida gaariga iyo lugtu ay u kala dhil-qan yihiin, waxa aad dareemaysaa sida uu illaahay noo ilaashaday ee dirqiga aan ugu bad-baadnay. Waxyar haddii ay kaadiriintii gaarigii eeg eegeenba go'aan deg deg ah ayaa la gaaray, bes weeye gaarigan waa ay u dhamaatay oo lug danbe ma roggi karo. Waa in Jigjigga mid kale oo ay shirkadu leedahay loo dalbaa, si rakaabkan loogu qaado. Inta ka horaysana waxa aan ku qasbanahay, in aan halkan joogno.
Waa meel Araarsiyo iyo Qabri-bayax u dhaxaysa malahayga se Araarsiyo xigta. Aad baan uga xumaanay runtii, laakiin haddana wax kale oo aanu samaynaahi majirto. Ugu danbayna aan sidii iskaga qanacnay, oo aan iimaankeena sidii ay reer Xamarku oran jireen kaawe iskaga dhuuqsanay. Wax aan badnayn markii aan shanta-yadii banaanka taag taagnayn, ayaa uu roob soo bilowday oo aan gudaha gaariga ku soo kala cararnay.
Dabaddeed aad baa loo kaftamay maadaama uu kaftanku ahaa waxa kaliya ee cidlada, roobka iyo daalka faraha badan ee safarka la isku dhaafin karayay. Waxa kale oo aan dareenay in aanu aad u gaajaysanahay yar iyo waynba, maadaama wax aanu cuno ay galabta 04:00 galabnimo inoogu danbaysay, haddana ay abaaro salaadii cishe saacadu xaga kale uga degtay. Waxa aan xasuustaa in mid kamida raggii waa weynaa ee gaariga nala saarnaa uu ku cataabay "In ay wacnaan lahayd haddii uu gabdhihii yar yaraa ee reer Dhagax-buureed galabta caag caano ah ka soo iibsan lahaa". Waxa ay ku tusinaysaa heer qabowga iyo baahida sida isku midka ka ah noo saameysay, ee aan haddana sida daniba ku badaydda ah iskaga mashquulinaynay.
Hadalka ninkaa waxaa xigay gabar kamid ah labadii gabdhood ee isu baati ekaa, eray ay aniga igu dacaayaddaysay. Waxa uu ahaa; Sadoow walaalloow gaariga ka fuq adiga ayaa nagu dhagan e. Markii aan sababta waydiiyayna waxa ay ii sheegtay in ay laabtayda ka daaran tahay heestii uu miraheeda lahaa AUN Maxamad Ibraahim Warsame "Hadraawi" ee uu ku luuqayn jiray Xasan Aadan Samatar ee Baladweyn. Gaar ahaan meerisyada ah;
Biri may bukootaa
Batroolka daadshoo
Lawada bukooddoo...
Aad baa la iigu wada qoslay runtii, laakiin aniga waxa ay ila ahayd in malo xun la iga qaatay oo aanan dhab ahaan dareenka noocaas ah uusan gudahayga ka shidnayd. Si walba oo ay ahaydse gartaas waa la igu moosay. Xoogaa yar kadibna si iskeed ah ayaa uu gaarigii oo dhan juuq iyo jaaqba u gabay, oo cid uu eray ka soo baxo ayaa la waayay markii uu roobkii soo xoogsaday. In cabaar ah haddii lakala aamusnaa dhibicdiina ay markan toos u joogsatay ayaa aan anigu Suhayra weydiiyay haddii ay banaanka iila baxayso iyo in kale? Iyana waa ay iga ogolaatay, oo aan labada-yadiiba gaarigii banaanka uga baxnay.
Waxa ay ahayd markii ugu horeysay ee aan qabow u dhiman gaaray noloshayda, dhab ahaan filan waa ayaa uu igu noqday xaddiga intaa la'eg ee qabowga ah ee banaanka gaariga ka jiray. Horta aan dib idiin celiyo e, laabtayda ma oollin wax aan ka ahayn "Banaanka un iskaga baxa". Waxa kale ee aan xoog uga shalaayay in aan sameeynay iyana waxa ay ahayd in aanu gaariga in shan iyo toban talaabo ku siman aanu ka soo fogaanay. Illaahay baan ku dhaartay e, waxa ay iila muuqatay "Sida in nafta tartiib tartiib la iiga siibayo". Oo gabadhii dhamayd ee aanu sheekaysanaynay, mar kaliya ayaa ay ku baraarugtay in uu eray iga soo bixi la'yahay oo aan waliba khatar ku suganahay. Waxaa igu soo dhacday sheeko dhaan daban-gaalihii Soomaalida ee oran jirtay "Dumarku ma dhaxamoodaan". Waxa kale oo aan xusayaa in ay Suhayra reer Jigjigga qabowgu uu jirkeedu la qabsaday ahayd, haddiiba aanay sheeko caaruurreedaa Soomaaliyeed wax ka jirin.!
Ugu danbeyna aniga oo aan banaankaa hore wax badanba taagnayn inta aan taagnaanna ay ka yar tahayba waxii aanu gabadha is oran karnay, oo runtiina aad u dareemaya in ay waajib igu tahay in aan si deg deg ah u kala fireeyo, ayaa ay gabadhii mixnadan i haysata dareentay. Waxa ay iweydiisay in aan iska laaban karno? Aniguna si jawaab la'aan ah oo ka markhaati kacaysa sida aan ugu baahnahay in aan laabto ayaa aan aayar iskaga dabo-galay. Mar walba oo aan gaariga dugsigiisa u soo dhawaado waxa aan dareemayay, in nafta dib la iigu soo afuufayo amaba aan iraahdo e, wax un mucjiso u eg ayaa igu dhacay daqiiqadihii aan banaankaa taagnaa.
Dabaddeed gaarigii ayaa aan si hal haleel ah u galay, oo uu wax eraya iga soo bixi waayay illaa aan dhowr daqiiqo sii fadhiyayba. Kaligayse ma ay ahayn e, Suhayra lafteedu xitaa wax eray ah ima ay oranin, laga yaabee in ay dareemaysay waxan baas ee aan dareemayo. Xoogaa kadibna waxa aan aragnay kirishboygii oo intii aan banaanka ku maqnayn isna inta uu banaanka u baxay gaariga dugsigiisa dab shid aad u weyn ka hulaaqiyay oo isaga iyo naftiisiiba ay raxmad diirimaad oo weyn ku dareemayaan. Intaa wixii ka danbeeyayna waxaa la qiyaasi karay gaariga cidda kaliya ee ku haraysaahi in ay noqonayso qof hurda iyo ruux waayeel ah oo aan isagu doonayn in uu kac kaco un. Dabcan inta-yadii kalana aan dabkii sidii ari goosan ah oo weer galay ugu kala cararnay. Dhamaad!
Comments
Post a Comment